Ciyaartooy badan oo ka tirsan PIL oo helay sharafta kubadda kolayga ...

0 downloads 100 Views 742KB Size Report
Portland soo bandhigeen ayaa loo magacaabay Broadcom. MASTERS, mudnaanta la siinayey sayniska iyo tartanka qaran ee inji
PORTLAND PUBLIC SCHOOLS | Abriil 24, 2018

Macluumaadka cusub ee ciyaaraha: Ciyaartooy badan oo ka tirsan PIL oo helay sharafta kubadda kolayga ee AllState Naadiga Dugsiyada Ka Dhexeeya ee Portland socodkoodii adkaa ee tartanka kubadda kolayga ee gobolka ayaa wuxuu ka turjumayay kooxaha Class 6A All-State. Saddex ka tirsan wiilasha PIL iyo laba ka tirsan gabdhaha ayaa loo xushay kooxda u horreysa ee cod bixinta ay u qaadayaan tababarayaasha gobolka sida lagu qeexay Oregonian/OregonLive. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

HeART of Portland oo soo bandhigay farshaxaniisteyaal yar yar Bandhiga sanadlaha ah ee HeART of Portland, Dugsiyada Dadweynaha Portland, ayaa bilaabmay Arbacadii la soo dhaafay iyada oo soo dhaweyntii furitaanku ay ka dhacday Madxafka Farshaxanka ee Portland. Dhacdadu lagu soo bandhigay noocyo kala duwan oo ah farshaxanka ugu fiican ee ardayda PPS -- ay ka mid yihiin sawirrada farshaxanka, farsamo farshaxan, qoob ka ciyaarayaal, muusikiistayaasha iyo waxyaabo badan oo dheeraad ah – waxaa suurtagal ka dhigay Waxbarashada Farshaxanka ee Portland iyo canshuurta Gelida. Soo dhaweynta waa bilowga bandhig 10-maalmood ah oo ka socda madxafka Miller Gallery ee ku yaala Dhismaha Mark kaasi oo soconaya ilaa Axada, Abriil 22. (Sidoo kale fiiri: sawirrobuuxa oo ka socda soo dhaweynta). Daawo fiidiyaha

Portland Public Schools is an affirmative action and equal opportunity employer.

Ardayda Dugsiyada Dadweynaha Portland waxaa laga codsanayaa inay ka qeybgalaan tartan lagu galayo SafeOregon PSA Miyaad tahay arday xiiseynaya inuu gargaar ka geysto sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada iskuulada adiga oo fursad u haysta in aad ku guuleysato lacag dhan $1,000 doolar? Haddii aad tahay arday xiiseysanay, fadlan waxaad tixgalisaa in aad ka qeybqaadato tartankaa Wargelinta Addeegga Dadweynaha (PSA) SafeOregon.

Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Todob mashruuc oo Ardayda Dugsiyada Dhexe ee Dugsiyada Dadweynaha Portland loo magacaabay tartanka heer qaran Todoba mashruuc oo ardayda Dugsiyada Dadweynaha Portland soo bandhigeen ayaa loo magacaabay Broadcom MASTERS, mudnaanta la siinayey sayniska iyo tartanka qaran ee injineernimada ardayda dugsiyada dhexe,qeyb ahaan Tartankii Abbaalmarinta Sayniska Dugsiyada Dhexe ee Intel Waqooyi- Galbeed kaasi oo lagu qabtay Jaamacada Gobolka Portland. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Dugsiga Sarre ee Roosevelt waxay u dabaaldegayaa garoonka cusub ee kubada gacanta laguna ciyaari doono ciyaaro dhammeystiran Muxuu yahay heerka ugu wanaagsan ee aad ku maamusi kartaa garoonka kubada gacanta ee cusub ee aan ahayn inaad dhaliso goolka? Waxaa sidaas sameeyey Grace Ferres oo fasalka 12naad ee Dugsiga Sarre ee kooxda kubada gacanta Roughrider ee Roosevelt markii la furayey garoonka. Ciyaatani waxay ay ahayd tii ugu horeysay ee lagu furay garoonka ilaa sanadkii 1972. Iyada oo iskuulka Roosevelt kaga adkaaday Dugsiga Sarre ee Cleveland 15 dhibcood. Daawo fiidiyaha

2

Waxa ay u badan nahay inaynu guuleysaneyno: William Hilliard, Dugsiga Sarre ee Benson, 1945 Bill Hilliard wuxuu sanadkii 1954 ka bilaabay Wargeyska Oregonian shaqo ah kuwa sawiro waraaqaha ilaa uu ka gaaray heer uu noqdo madaxa ugu sareeya tafatirayaasha wargeyska ; isagoo ka dib shaqadii ka hawlgabay sanadkii 1994. Ka dib, markii xirfadisii safaxinimo gaartay halkii ugu sareysay wuxuu noqday qofkii ka soo jeeda dadka midabka madow ee tafatire ka noqda wargeyska ugu waaweyn magaalada, wargeys ay dadka badankiisa ay akhristaan iyo inuu noqdo tafatirihii madooba wargeys noocaasi ah. Sanadkii 1993 waxaa loo magacaabay qofkii ugu horeeyey ee Afrikaanka Maraykan ah noqdana madaxweynaha Tafatirayaasha Wargeyska Bulshada Maraykan.

Fariinta Abriil 20keeda ee Ardaydu Bannaanbaxeen Bulshada Dugsiyada Dadweynaha Portland ee Qaaliga ah Fadlan waxaan idinla socodsiinayaa iskaashigii aan la sameynay maamulayaasha iskuulada, hoggaamiyaasha firfircoon ee dugsiyada degmada oo si dhow ugu guur galayey boqolaal ardayda dugsiyada dhexe iyo dugsiyada sarre oo bannaanka uga baxay dugsiyadeena si ay qeyb uga qaataan mudaharadaadka wadanka oo dhan ka dhacayey ee lagaga soo horjeedo rabshadaha iskuulada ka dhaca. Waxaan aad ugu faraxsanahay in aad idhaahdo markii aan dhammaan helay warbixinihii, mudaharaadkani wuxuu ahaa mid ku dhacay si jawi nabadgelyo iyo isqadarin leh oo aanay jirin wax dhib ah oo weyn oo la sheegay oo dhacday.” Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Maamulayaasha cusub oo si kooban loo soo saaray Waxaa lagu dhawaaqy maamulayaasha cusub ee sanad-dugsiyeedka 2018-19 ee soo socda. Maamulayaasha cusub ee lagu dhawaaqay waxaa lagu soo qori doonaa marka ay noqdaan rasmi boggeena hoggaanka.

Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

3