Dugsiyada Dadweynaha Portland(PPS) - Portland Public Schools

3 downloads 260 Views 729KB Size Report
Jan 17, 2018 - Martin Luther King Jr. Ardayda Dugsiyada Dadweynaha Portland, qoysaska iyo shaqaaluhu waxa ay maalinta Is
PORTLAND PUBLIC SCHOOLS | JANUARY 17, 2018

Dugsiyada Dadweynaha Portland(PPS) waxa ay u dabaaldegayaan Maalinta Martin Luther King Jr. Ardayda Dugsiyada Dadweynaha Portland, qoysaska iyo shaqaaluhu waxa ay maalinta Isniinta ah u dabaaldagayaan Maalinta Martin Luther King Jr. Xuskaa dabaaldegga awgiis iskuuladu waa fasax waana xiran yihiin si loo weyneeyo maalintaasi, dadka dabaaldegayaa waxa ay ka qeybgalayaan dabaaldegii 33naad kaasi oo magaalada Portland u dabaaldegto hoggaamiyaha xuquuqda shacbiga iyada oo lagu qabanayo Highland Christian Center Campus, sidoo kalena waxaa jira munaasabo kale oo lagu muujinayo xushmada iyo qadarinta loo hayo. Halkan ka fiirso sawiro dheeraad ah oo ku saabsan munaasabada. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Guddoonka Golaha Waxbarashada PPS waxa ay ku dhiirigalinayaan dadweynaha codeeya in loo codeeyo ‘haa’ Xeerka 101 (Measure 101) Guddoonka Waxbarashada Dugsiyada Dadweynaha Portland(PPS) waxa ay codeeyaasha ku dhiirigalinayaa in la ansixiyo Xeerka 101, kaasi oo kor u qaadaya cashuurta qaar ka mid ah daryeelayaasha caafimaadka iyo caymisyada caafimaadka si ay u caawiyaan Qorshaha Caafimaadka Oregon(OHP). Maalinta kama dambeysta ee codbixintu dhacaysaa waa Janaayo 23keeda, iyada oo codbixintani doorashada khaaska ahi ay gobolka oo dhan ay ka dhacayso. Kulankii xubnaha guddoonka golaha waxbarashada ee Janaayo 9keedii, waxa ay meel mariyeen qaraar taageeraya xeerkani, kaasi oo tibaaxaya in ay lagama maarmaan tahay in la siiyo caruurta daryeel caarimaadka oo boqolkiiba boqol ah. Haddii xeerkani guuldareysto, gobolku wuxuu wajihi doonaa hoos u dhac dhinaca miisaaniyada ah taasi oo sababi doonto in la jaro iskuulada, ayey yiraahdeen goluhu..

Portland Public Schools is an affirmative action and equal opportunity employer.

Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Dugsiyada Dadweynaha Portland(PPS) waxa ay ka shaqeynayaan barnaamijkii ugu horeeyey labada luqadood ee luqada carabiga Dugsiyada Dadweynaha Portland wax ay ku faraxsan yihiin soo jeedinta furitaanka barnaamijka labada luqadood wax lagu barto ee Carabiga,kaasi oo ah kii ugu horeeyey kuna cusub Oregon. Waxa aan ka bilaabi doonaan fasalka xannaanada bisha Sebtambar 2018, halkaasi oo ardaydu ay nus maalintii ka mid ah ku baran doonaan luqada Carabiga, halka nuska haray maalintii ay baran doonaan luqada Ingiriiska. Ardayda ku nool degmada Dugsiyada Dadweynaha Portland ee markaas da’doodu tahay 5 sanno ka hor bisha Sebtambar 1deeda barnaamijkaa waa ay u qalmaan inay ka soo qeybgalaan si ay wax ugu bartaan.

Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Hoggaamiyayaasha ardayda PPS oo baranaya nidaamka siyaasad-dejinta ee ku saabsan Guddiga Dhallinyarada ee Multnomah Ardayada sanadkii labaad dhigata Dugsigae Sare ee Lincoln Tasneem Sarkez waxay wax ka qabanaysaa arrimo adag oo dhibaato leh – waqtiyo dambe bilaabada loogu talagalay ardayda dugsiga sare. “Waxaa jira cilmi-baaris badan oo muujisay waxtarka wanaagsan ee ay u leedahay fasalka marka ay bilaabaan waqti dambe maalinta,” ayaya sheegtay Sarkez. “Ardaydu si aad ah ayay ugu lug yeeshaan, waxayna yeeshaan imaanshaha dugsiga oo sareeya.” Sarkez waxay la shaqaynaysaa hoggaamiyayaasha ardayda kale ee kiiskooda u soo bandhigaya hogaamiyayaasha degmada PPS iyada oo ay qayb ka tahay Guddiga Dhallinyarada ee Multnomah (MYC). Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

2

Buuga cunto karista ardayda oo soo jiitay dad caan ah, oo lagu ururiray lacag lagu badbaadiyo danyeerada ‘chimps’ Afar iyo toban saaxiib oo iyaga oo arday ah kulan ku yeeshay Beverly Cleary ayaa isku soo ururiyay buuga cunto karista oo loogu talagalay dadka aan hilibka cunin kaasi oo ah in la helo dareenka dadweynaha iyada oo ay la xiriirto dhowr arrimood. Hal shay marka la eego, wuxuu noqonayaa lacag ururin lagu caawinayo danyeerada ‘chimpanzees’ agoonta noqday; marka mid kale la eego, dhowr qof oo caan ah ayaa gacan ka gaystay habka cuntooyinka loo kariyo ee ku qoran buuga, oo ay ka mid tahay Marwada Koowaad Michelle Obama.

Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Jaamacada Gobolka Portland waxa ay tijaabineysaa tay’adda hawada ee Dugsiga Harriet Tubman Dugsiyada Dadweynaha Portland oo kaashanaya Jaamacada Gobolka Portland ay tijaabinayaa tay’ada hawada Harriet Tubman iyada oo ay socota shaqadii iskuulkani loogu bedelay inuu noqdo Dugsi Dhexe sanad-dugsiyeedka soo socda. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Manhajka cusub ee Xannaanada Bilowga ah(Pre-K) wuxuu kor u qaadaa waxbarashada ardayda yar yar ee degmada Macallin kasta, waalid ama daryeel bixiye waxa ay ka warqabaan in caruurta aadka u yar ee da’doodu tahay, 3 – 4- 5 sanno inay u fikiraan waxna u bartaan si ka gedisan sida ay kuwa ka waaweyn fikiraan. Iminka, markii ugu horeysa, Dugsiyada Dadweynaha Portland waxa uu hirgaliyey manhaj si gaar loogu habeeyey arday qiyaastoodu gaarayso 1000 ee Pre-K(Bilowga Xannaanada ah). Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Waxa ay u badan tahay inay guuleystaan Thomas Lauderdale, Dugsiga Sarre ee Grant, Fasalkii Qalan-jabiyey sanadkii 1 Thomas Lauderadale waa aassaasaha kooxda caalamiga ah ee Pink Martini wuxuu dadweynaha u soo badhigay nooc muusig oo cusub, muusigaas oo lagu kaabay qoob ka ciyaar casri ah, heerarka iyo tirada la duubay ee asalka ah. Taageerayaasha kooxda taageeraa ee dad muusiga ku talaxtagay aadna u maskax badan, sidoo kalena ah deeqsiyiin iyo iyaga oo ah dad firfircoon oo reer Grant ah siyaasadana u dhaqdhaaqa.

3

Ardayda Skyline oo samaysay sawir farshaxaneed loogu talagalay goobta jimicsaga ee dugsiga Isaga oo loogu talagalay mashruuca adeega bulshada ee ardayda fasalka lixaad, ardayda Skyline, oo caawimaad ka helaysa waalidiinta, macallimiinta iyo bulshada, ayaa waxay sameeyeen sawir farshaxaneed wanaagsan oo loogu talagalay goobtooda jimicsaga. Mashruucu wuxuu salka ku hayaa waxyaalaha looga baahan yahay IB (Shahaadada Caalamiga ah) ee ah in dhammaan ardayda dugsiga dhexe ay ka qayb qaadato adeeg bulsho. Fiirso ardayda iyo shaqaalaha Skyline oo ka hadlaya mashruucan hal-abuurka leh ee baray iskaashiga, wada xiriirka iyo xirfadaha dhanka wax abaabulka. Daawo fiidiyaha

Waxaanu rabnaa fikradahaaga. Fadlan ha ka gaabsan in aad soo gudbiso talooyinka la xiriira sheeko, meelaha laga galayo sheekooyinka ugu wanaagsan website-ka dugsigaaga ama wargeyska, sawirrada, fiidiyoowga iyo waxyaabaha kale ee aad is leedahay xiise ayay u leeyihiin guud ahaan degmada. Fikradaha ku saabsan sheekada, sawirrada iyo qoraalada email ugu dir: [email protected].

4