Maamulaha Benson ee Curtis Wilson oo loo magacaabay Maamulaha ...

1 downloads 89 Views 932KB Size Report
Waxay dhawaan ogaadeen dariiqooyin xirfadeed oo suurtagal oo lala leeyahay hawl-wadaagaha PPS,. Pixel Arts Game Educatio
PORTLAND PUBLIC SCHOOLS | Abriil 17, 2018

Maamulaha Benson ee Curtis Wilson oo loo magacaabay Maamulaha Dugsiga Sare ee Oregon ee Sanadka Curtis Wilson Jr. oo ka tirsan Benson ayaa loo magacaabay Maamulaha Dugsiga Sare ee Oregon ee Sanadka. “Waa mid aan la yaabay in ay dhacdo,” Wilson ayaa sheegay markii uu ogaaday maamuuskiisa Khamiista. “Ma aan filaynin taasi haba yaraatee. Abaalmarinta, oo ay maamulayeen Isbahaysiga Maamulayaasha Dugsiyada Oregon iyo Ururka Maamulayaasha Dugsiga Sare, waxay Wilson ka dhigaysaa in u qalmo Abaalmarinta Maamulaha Sanadka ee heer qaran. Waxaa lagu maamuusi doonaa Kulan Sanadeedka COSA ee dhacaya Juun iyo Kulanka Maamulayaasha OASSA/OESPA ee dhacaya Oktoobar. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Dugsiga Martin Luther King Jr. School oo u dabaaldegaya sanad guurada 50-aad ee magac bedelka Waxaa laga joogaa 50 sanadood tan iyo markii arday dareen xoog leh qabaa ay horseedeen dhaqdhaqaaq si dugsigoodu loo siiyo magaca Martin Luther King Jr. Toddobaadkii la soo dhaafay, bulshada ayaa si xoog badan iskugu soo baxday si u muujiyaan qadarin, isla markaana u Dr. King ugu maamuusaan dabaaldeg weyn oo ka dhacay dugsiga. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Portland Public Schools is an affirmative action and equal opportunity employer.

Codkayga: Fikradaha ardayda ACCESS ee barnaamijka kambiyuutarka Miyuu fikirka cilmiga luqadda kambiyuutarka’ coding’, iyo dhammaan xarfahan, tirooyinkan iyo calaamadahani, ku cabsi geliyaan? Saddex ka mid ah ardayda fasallada toddobaad oo ka tirsan Machadka ACCESS ayaa sheegay in ayna sidaasi cabsigelin u lahayn sida aad u malayn karto. Waxay dhawaan ogaadeen dariiqooyin xirfadeed oo suurtagal oo lala leeyahay hawl-wadaagaha PPS, Pixel Arts Game Education, iyada oo qayb ka ah toddobaadka Xirfadda iyo Ogaanshaha Farsamada ee Fasalka 7-aad iyaga oo Codkayga u sheegay sababta ay tahay in la isku dayo. Daawo fiidiyaha

Boqolaal ka tirsan ardayda Lation ayaa hoggaamiyeyaasha isdhexgal kula sameeyay Kulankii MEChA Waxay ahayd maalin waxbarasho iyo dhiirigelin iyada oo uu Dugsiga Sare ee Lincoln martigeliyay Kulanka Sanadlaha ah ee 20-aad ee MEChA ee Dugsiga Sare/Dugsiga Dhexe ee dhacay Jimcihii, Abriil 13. . Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Furitaanka Bandhiga Midnimada ee Roosevelt oo soo jiitay boqolaal Boqolool arday ah iyo xubnaha ka tirsan bulshada ayaa iskugu soo baxay Bandhiga Midnimada ‘Unity Fest’ ee Roosevelt ee sanadlaha ah ee u horreeyay. Arday ka kala socotay lix fasal oo lagu Darso Qowmiyadda ayaa la abuuray isla markaana hoggaaminayay dhacdada si loo maamuuso, loogu dabaaldego isla markaana gacmo furan loogu soo dhaweeyo bulshada kala duwan ee dugsiga taasi oo ka dhacday Roosevelt. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Waxay u badan tahay inaynu guuley Elliott Smith, Dugsiga Sarre ee Lincoln, 1987

2

Cod dhawaan dhammaan si degdeg ah u aamusay kaasi oo ahaa heesaa-qoraa heesaa Elliott Smith, kaasi oo lahaa dad aad u aamisan oo la socda codkiisa cajiibka ahaa iyo midhaha heesihiisa ee xambaarsanaa dareenka. Caanimada heesaa Smith waxa ay gaartay halkii ugu sareeya sanadkii 1997 markii uu ku heesay heesta magaceedu yahay “Miss Misery” laguna daray duubistii muusikada heesta “Good Will Hunting” taasi oo loo magacaabay abbaalmarinta Oscar ee dhinaca Heesta Asalka ah ee ugu Wanaagsan. Wuxuu Smith geeriyooday isaga oo da’diisu tahay 34 sanno sanadkii 2003.

3

Warbixinta Golaha Waxbarashada:Dugsiyada Degmadu waxa ay ballaariyeen siyaasada lagu dhaqo cagojugleynta/takoorka Guddida Golaha Waxbarashada Dugsiyada Dadweynaha Portland waxa ay ansixiyeen in isbedel weyn lagu sameeyo siyaasada lagu hago takoorka iyo cago-jugleynta. Kulankii maalintii Tallaadada ee xafiisyada dugsiyada degmada, Goluhu wuxuu si wada jir ah u ansixiyeen qaraar wax ka bedel lagu sameynayo waxa dugsiyada degmadu ku magacaabi doonaan “Siyaasada Takoorka /Cago-jugleyn la’aanta.” Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Dugsiyada dhexe: Warbixinta horumarka laga sameeyey Dugsiyada Dhexe Dugsiyada degmadu waxa ay furayaan labada dugsi dhexe ee cusub Roseway Heights iyo Harriet Tubman oo qeyb ka ah dadaalada la rabo in bulshadeen la siiyo waxbarasho dheeraad ah oo loo siman yahay dugsiyada dhexe. Hawshani waa hawl culeyskeeda iyo baaxadeeda leh iyada oo ay la xiriirto tiro iskuulada Dugsiyada Dadweynaha Portland ah, barnaamijyada iyo waaxyaha. Fiiri qaar ka mid ah horumarka la xiriira mashruucyada:

Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Amahn Enayati oo wax ka barata Iskuulka Linclon(PPS) wuxuu noqday ardaygii ugu dambeeyey ee Deeq Waxbarasho ka helay Deeqaha Waxbarasho ugu wanaagsan ee Stamp Amahn Enayati waa arday ku jira fasalka 12naad ee Dugsiga Sarre ee Lincoln ayaa wuxuu noqday ardaygii ugu dambeeyey ee hela Deeqda Waxbarasho ee ugu wanaagsan, taasi oo loo eego baahida ardaygu dhaqaale ahaan u qabo inuu helo deeq waxbarasho si uu wax uga barto Jaamacada Oregon- taasi oo loogu yeero Jaamacadaasi “deeqda waxbarasho ugu qanisan ugu wanaagsan waxbarashada jaamacada shahaadada koowaad.”

Akhri Waxyaabo Dheeraad ah

Wararka iyo qoraalada 

Macluumaadka cusub ee ciyaaraha: Franklin oo isticmaashay laba orod ciyaareed ‘home runs’ si ay ugu guuleysato ciyaarta softball‐ka



EcoChallenge oo ardayda siisay hab ay u bilaabaan Maalinta Dhulka



Hawl‐wadaagayaasha bulshada Dugsiga Sare ee Alliance oo kordhiyay fursadaha jira

4

 

10 arday oo ka mid ardayda Dugsiyada Dadweynaha Portland ayaa ku guuleystay fars xanka qaranka iyo abbaalmarinta qoraalka Barnaamijka Waqtiga-KalaGuurka Bulshadu wuxuu qabanayaa munaasabadiisii iibka dhirta ee labaad(2)



5