lala gaaray PPS. Dugsiyada Dadweynaha Portland ayaa ku dhawaaqay faahfaahinta heshiis cusub oo lala gaaray ururka macall
PORTLAND PUBLIC SCHOOLS | FEBRAAYO 6, 2018
Ururka macallimiinta Portland oo ansixiyay heshiis cusub oo 3 sano ah oo lala gaaray PPS Dugsiyada Dadweynaha Portland ayaa ku dhawaaqay faahfaahinta heshiis cusub oo lala gaaray ururka macallimiinta ka dib markii ay Ururka Macallimiinta ee Portland u coddeeyeen in ay ansaxiyaan hadalada ku dhigan heshiiska saddexda sano ah. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
Cleveland oo markii 7-aadee isku xigta ku guuleysatay horyaalka PIL ee lagdinta Kooxda lagdinta ee Cleveland waxay sii waday awood badnaanteeda la xiriira Naadiga Dugsiyada Ka Dhexeeya ee Portland iyada oo ku guuleysatay horyaalnimada shakhi ahaaneed ee toddoba heerar oo ah miisaanadda kala duwan iyada oo si fudud ugu guuleysatay tartankii degmada ee Sabtidii ka dhacay Dugsiga Sare ee Marshall. Warriors waxay keeneen 355.5 dhibcood si ay si fudud uga kor maraan kooxda ay tartamayeen ee Franklin, oo gashay kaalinta labaad iyada oo keentay 257.
Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
Portland Public Schools is an affirmative action and equal opportunity employer.
Barnaamijka BRIARR ardayda wuxuu siiyaa fursad ay ku bartaan nolosha beeraha waaweyn Caruurtaada ma ka mid yahay ardayda wax ka barta dugsiga sarre oo raadinaya inuu helo waayo-aragnimo ardayda fasalkiisa ee dunida ku nool? Waxaa suurtagal ah in baraanmijka xarunta " Burnt River Integrated Agriculture/Science Research Ranch (BRIARR) ay tahay meesha ku haboon inay waayo-aragnimadaasi ka helaan. Goobtan waxaa afar saacadood ka jirtaa bariga magaalada Bend, ardayda wax ka barta iskuulka Burnt River Charter School waxa ay nool yihiin qoys leh beer weyn oo qiyaasteedu tahay 13-acre. Barnaamijka BRIARR wuxuu ardayda siiyaan casharo ay gacanta ka qabanayaan oo beeraha iyo sayniska deegaanka, iyo iyada oo ay helayaan fursado ay kula noolaadaan iskuul yar,iyaga oo shaqeynaya la ardayda kale ee ka yimid dunida dacaladeeda kale.
Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
Codkayga: Semeredin Kundin Dugsiga Sare ee Lincoln ardaygiisa sanadkii u dambeeyay dhigta ee Semeredin Kundin oo xubin ka ah Walaalaha Midabka kala duwan leh ‘Brothers of Color’ oo ah urur fidiya in ay lahaadaan dareen bulsho oo loogu talagalay ragga dhallinyarada ah ee midabyada kale duwan leh ee dugsiga dhigta. Iyada oo ay socoto Bisha Taariikhda Dadka Madow, wuxuu ka hadlaa hoggaamiyeyaal waaweyn oo madow iyo sida inta badan guulaha ay gaareen u noqdaan kuwo aan la aqoonsan.
Daawo fiidiyaha
Bisha Taariikhda Dadka Madow oo bilaabantay Bisha Taariikhda Dadka Madow waxaa lagu aqoonsanayaa doorarka ay Maraykanka Madow ka soo qaateen qarankeena iyo dhaqankeena. Taariikhyahanka Carter G. Woodson ayaa Toddobaadka Taariikhda Dadka Madow bilaabay toddobaadkii Febraayo 1926 si loo dhiirigeliyo waxbarista taariikhda madow. Ugu dambeyntii, waaxaha waxbarashada gobolka ee waddanka oo dhan ayaa bilaabay in ay taageeraan dadaalka.
Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
2
Xadiga Qalin-jabinta Dugsiyada PPS waa korodhaysaa Xadiga Qalin-jabinta Dugsiyada Sarre ee Dugsiyada Dadweynaha Portland waxa kor u socotaa sanadkii sideedaad. Maamulayaasha Dugsiyada Sarre ee Madison, Franklin iyo Roosevelt ayaa ka wada hadlay arrintaasi macnaha ay u sameyneyso iskuuloodooda.
Daawo fiidiyaha
Warbixinta Horumarka Dugsiyada Dhexe Degmada waxay ka furaysaa dugsiyada dhexe ee Harriet Tubman iyo Roseway Heights oo cusub iyada oo qayb ka ah dadaalka lagu bixinayo waxbarashada fasallada dhexe oo leh sinnaan dheeraad ah oo la xiriira bulshadaasi. Tani waa hawl weyn oo adag oo ay ka qayb qaadanayaan tiro badan oo ah dugsiyada, barnaamijyada iyo waaxyaha PPS. Inta aanu horey u socono, waa in aan maskaxda ku heynaa in ay tani tahay qayb ka mid ah habka loo baahan yahay ee xiisaha leh ee horumarinta PPS. Waxaynu dib-u-dhiseynaa oo aynu dib-uga-fikiraynaa Degmad bixisa helitaan waxbarasho ee heer sare ah oo ku aadan dhammaan ardayda, iyada oo aan la eegayn asalkooda ama halka ay ku nool yihiin. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
Bulshada waxaa lagu martiqaaday kulan ah sidii ay caawimo uga geysan lahaayeen naqshada dib-u-dhiska Dugsiga Dhexe Kellogg ee cusub Naqshada dhismaha Dugsiga Dhexe Kellogg ee cusub waxa ay marayaan heer lagu farxo, iyada oo Dugsiayda Dadweynaha Portland uu fursad dahabi ah u fidinayo bulshada ku nool nawaaxiga Kellogg in ay ka qeybqaataan heerarka kala duwan ee ay marayso naqshada dhismaha iskuulku. Waxa sidoo kale fursad u heli doona inay fikaradooda ku soo biiriyaan xubno ka mid ah dadweynaha kuwaasi oo lagu martiqaadayo inay ka soo qeybgalaan shirka soo socda ee Kulanka-shaqeedka Naqshada Dhismaha ee la qabanayo maalinta Sabtida, Febraayo 10keeda, saacadu marka ay tahay 9:00 subaxnimo ilaa duhurkii, iyada oo lagu qabanayo shirkani Dugsiga Sarre ee Franklin qolka fadhiga, cinwaanka iskuulka Franklin ee ah 5405 SE Woodward St. Dadweynaha ka soo qeybgalaya waxa loo diyaariyey haddii ay caruur la socot daryeelayaal u xannnaaneeyo inta shirku socdo caruurta iyo turjubaano ka caawiyo luqadaha kala ah Isbaanish, Soomaali, Shiine, Fiitnaamiis, iyo Ruush. Waxa iyana sidoo kale laguu sii diyaariyey quraac fudud saacadu marka ay tahay 8:30 subaxnimo.
Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
3
Waxa ay badan tahay in aan guuleysaneyno: Harold Williams, Dugsiga Sarre ee Jefferson, 1961 Harold Williams wuxuu ahaa hoggaamiye bulsheed oo dadaal joogta ah ugu jiray muddo tobonaan sanno ah dhismaha bulshada arrimaheeda dhinaca xuquuqda dadweynaha ee gobolkan Oregon sida uu dhan yahay. Wuxuu soo qabtay xilka ah Madaxa Xafiiska Kor Loogu Qaadayo Shaqada iyo Waxbarashada, wuxuu kale oo uu soo noqday Xiriiriyaha xafiiska Fursadaha Loo Siman Yahay waqtigii uu Guddoomiyaha Gobolka ahaa Bob Straub. Muddadii 20ka sanno ahayd ee uu ka soo shaqeynayey Golaha Kulliyada Bulshada ee Portland(PCC), Williams wuxuu mar walba u taagnaa isaga u doodayey sidii kulliyada waxbarashada PPC loo ballaarin lahaa lana soo gaarsiiyo Waqooyiga Portland, wuxuu kale oo uu hoggaamiye ka noqday barnaamijyada la-taliyaasha ee kulliyada iyo ardeyda Dugsiga Sarre ee Jefferson isku xirayey, wuxuu kale oo taageerayey siyaasada ah in sidii loo xaqiijin lahaa in dhismaha Kulliyada Portland qandaraasyadeedu noqdaan kuwa ka qeybgaliya in qandaraaslayaasha ay ka mid noqdaan dadka laga tirada badan yahay. Gabadha uu dhalay Williams oo la yiraa Natasha Butler waxa ay noqon doontaa maamulaha Dugsiga Dhexe ee Harriet Tubman marka la furo sanad-dugsiyeedka 2018-2019.
Wararka iyo qoraalada
Guddoomiyaha Waxbarashada ee Guerrero wuxuu la-taliye ka noqday ururka la yiraa “Big Brothers Big Sisters” Kooxda Waxbarashada Gaarka ee PPS oo qaadatay tababarka u horreeyay ee internet-ka Bisha Febraayo 5teeda ilaa 9keeda waxaa loo asteeyey inay noqotay Todobaadka Qaran ee Lataliyaasha Iskuulada
4