Wax badan oo loo dabaaldego, shaqo badan oo horeysa

1 downloads 97 Views 153KB Size Report
Wax badan oo loo dabaaldego, shaqo badan oo horeysa. Juun 2017-ka. Toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa sharafii ahayd in
FARRIINTA KORMEERAHA GUUD

Wax badan oo loo dabaaldego, shaqo badan oo horeysa Juun 2017-ka Toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa sharaf ii ahayd in hadal u jeediyo Dhallinyarada, Hibada leh ee Madowga ah, ee dhacdo sanadeedka aan leenahay ee lagu aqoonsado guul gaarida sare isla markaana lagu dhageyso sheekooyinka ardaydeena Maraykanka Madow. Waa mid ka mid ah tiro dhacdooyin aqoonsiga dhaqanka oo aanu qabano sanad kasta, waxayna ahayd mid cajiib ah. Soddon arday, qoysaskooda iyo taageerayaashooda ayaa soo buuxiyey qolka guddiga PPS iyo hoolka BESC taasi oo loogu talagalay dabaaldega farxadeed, kaliya ma ahayn guul ay gaareen ee laakiin waxay ahayd shaqada wanaagsan oo socota oo ku saabsan sinnaanta iyo wanaaga ee Dugsiyada Dadweynaha Portland ay kaga duwan yihiin kuwa kale. Aniga oo kusii jeeda toddobaadyadii u dambeeyay ee aan ahay kormeeraha guud, iskama joojin karo in aan ka fikiro sharafta ay ii ahayd in aan u adeego degmo mudnaanta siisa qiimahan tayooyin oo kale. Saameyn xoog leh ayuu yeeshaa inta lagu jiro dabaaldegyada cajiibka ah ee dhamaadka sanadka, laakiin waa mid maalin kasta ka socota dugsi kasta iyo fasal kasta. Qof kasta oo u fiirsada wararku wuxuu fahamsan yahay in PPS ay soo martay wakhti fiican iyo wakhti xun sanadkan, taasina waxaan caadi u ahayn maaha dugsi kasta oo weyn oo degmada ku yaala. Waxaan aaminsanahay in aan leenahay wax dheeraad ah oo aan sanadkani u dabaaldegno halkii aan ka walwali lahayn. Ardaydu waxay wakhtiga dayrta soo socota ku soo laaban doonaan saddex dugsi oo si buuxda loo casriyeeyay – dugsiyada sare ee Franklin iyo Roosevelt iyo Faubion Pre-K-8. Shaqada waxay bilaabmaysaa maalmo gudahood ee dib loogu dhisayo Dugsiga Sare ee Grant. Waxayna cod bixiyayaashuna bisha Maajo oggolaadeen a $790 malyuun oo maalgelin daymeed ah (oo ah tii ugu weynayd taariikhda Oregon) si loo sii wado qorshaha casriyeynta dugsiyadeena iyo dib u cusboonaysiinta dugsiyadeena iyada oo laga dhigayo meelo wax lagu barto leh caafimaad, badbaado leh, isla markaana la jaanqaadi kara Qarniga 21. Haarkeena qalin-jabinta sare ayuu u kacayay, waxaa mahada leh dadaalka iyo hanaanka shaqo ee ay muujiyeen macallimiinta, maamulayaasha iyo shaqaalaha taageerada ee aan leenahay. Xafiiska Dhexe, dib u habayn ayaan ku samaynaynaa si uu u noqda maamul wax ku ool ah oo culayska saara ilaha dheeraadka ee fasalka iyo sii wadida dardarta aan bilownay. Sidaa darteed, waxaan mahadcelin kal iyo laab ah siinayaa dhamaan dadkii aan la soo shaqeeyay intii lagu jiray 10 bilood ee aan PPS joogay. Waxay ahayd mid leh loolan, farxad isla markaana rayrayn leh in aan noqdo kormeerahiina guud ee ku meel gaarka ah. Si wadajir ah, waxaanu degmadan uga dhignay mid xoog leh. Bob McKean

Portland Public Schools is an affirmative action and equal opportunity employer.