Jan 23, 2018 - PPS 00 $3.9 malyuun oo ah deeq lacageed ka helay dowladda federaalka. Dugsiyada Dadweynaha Portland barna
PORTLAND PUBLIC SCHOOLS | Janaayo 23, 2018
Barnaamijka Dariiqooyinka Badan ee PPS oo $3.9 malyuun oo ah deeq lacageed ka helay dowladda federaalka Dugsiyada Dadweynaha Portland barnaamijkiisa Dariiqooyinka Badan ee loogu diyaar garoobaya Qalin jabinta ‘Multiple Pathways to Graduation’ ayaa la siiyay $3.9 malyuun oo ah deeq lacageed isaga oo ka helay Waaxda Waxbarashada ee Maraykanka. Deeqda lacageed ee shanta sano ah waxay faa’iido dhanka khayraadka u noqonaysaa barnaamijka Dariiqooyinka Badan ‘Multiple Pathways’ kaasi oo ardayda baahidoodu sarayso ka caawiya in ay qalin jabiyaan isla markaana u gudbaan kulliyad iyo shaqooyin. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
Shanta Arrimood ee ugu muhiimsan ee la-taliyaashu ay rabaan ardayda iyo waalidiintu inay ogaadaan Dugsiyada Sarre waxa ay noqon karaan kuwa xitaa ardayda ay ka go’an tahay inay muujiyaan dadaalkooda mid u baahan in ay sii adkeeyaan dadaalkooda iyada oo la wargeliyo ardayda iyo qoysaskooda. Holly VaughnEdmonds oo la-taliye ka ah Dugsiga Sarre ee Franklin, gaar ahaana ku guuleysatay inay noqoto LaTaliyihii Sanadka Gobolka Oregon ee 2016, waxa ay la tashi la sameysay la-taliyaasha ay shaqo wadaaga yihiin iyaga oo soo bandhigay shanta arrimood ee ugu muhiimsan kuwaasi oo ardayda iyo qoysaskoodaba ay lagama maarmaan tahay inay ogaadaan.
Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
Portland Public Schools is an affirmative action and equal opportunity employer.
Dugsiga dhexe ee dadka u furan ee loogu talagalay ardayda dhigata fasalka shanaad ayaa bilaabmaya Ardayda fasalka lixaad ee sanad dugsiyeedka soo socda waxay booqan karaan dugsiga dhexe ee xaafadooda ama dugsiyada la kala dooranayo ee diirada la saarayo, iyada oo kulamo macluumaad lagu qabto guud ahaan degmada ilaa Maajo. Tani waa fursad weyn oo loogu talagalay qoysaska iyo ardayda si ay ugu soo wareegaan dugsigooda dhexe ee mustaqbalka isla markaana u ogaadaan waxyaalo dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyada tacliimeed iyo ciyaaraha ee la bixiyo. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
Gabdhaha Kooxda Kubada Koleyga ee Dugsiga waxa ay ka soo ciyaarayaan koobka horyaalnimada gobolka Ardayda Dugsiga Sarre ee Benson waxa ay higsnayaan higsi weyn. Kooxda kubada koleyga waxa ay kaga jiraan kaalinta labaad(2) ee gobolka, iyada oo kooxdu ay rajo weyn ku qabaan inay horyaalnimada gobolka ay soo hantaan ama keenaan. Tababaraha kooxda Eric Knox waxa ay ina xasuusineysaa in ay mucjiso ay dhici doonto. Laakiin inta ayna mucjisadaasi dhicin kooxdu waa in ay xoog u shaqeynsaa iyaga oo iskaashanaya koox ahaan. Daawo fiidiyaha
Labo macallin oo dugsiyada sarre sayniska ka dhiga PPS ayaa loo doortay inay iskaashi cilmi-baaris aad loo dayneynayo ay la sameeyaan Rachel Stagner oo ah macallin ka dhiga kimistariga Dugsiga Sarre ee Madison iyo Amy Sutton oo iyana bayoolajiga ka dhigta Dugsiga Sarre ee Benson ayaan dhawaan waxa ay ka soo noqdeen magaalada San Diego,halkaas oo ay ku soo bandhigeen cilmi-baaris ay u bandhigeen aqoonyahano kale oo dhinaca sayniska ah, kaasi oo qeyb ka ahaa barnaamijka Iskaashiga Sayniska ee Murdock. Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
2
Codkayga: Elliot Shin Daabacaadda toddobaadkan ee Codkayga, Elliot Shin oo ka tirsan Dugsiga Sare ee Lincoln ayaa ka hadlay ururkiisa aan faa’iido doonka ahayn, Olivenbaum, iyo dadaalladiisa nabada iyo isfahamka lagaga dhex dhalinayo muwaadiniinta adduunka iyada oo la adeegsanayo muusikada. Kooxdu waxay rajeynaysaa in ay bisha soo socota bandhig faneed ku qabtaan Koonfurta Kuuriya inta ay socdaan ciyaaraha Olympic-ada Jiilaalka iyada oo ay suurtagal tahay in ku qabtaan soonaha Milatariga Ka Caagan ee Kuuriya. Daawo fiidiyaha
Grupo de ejercicio suda para ayudar a las escuelas de PPS La entrenadora personal, Polli Collins, se levanta temprano para ayudar a sus clientes a alcanzar sus objetivos de acondicionamiento físico y en el proceso está ayudando a las Escuelas Públicas de Portland con su grupo de ejercicio Get Up Give Back (GUGB). “Nos reunimos todos los viernes por la mañana a las 5:30 a.m. en un parque del centro para un campamento de entrenamiento gratuito. Cada tres meses seleccionamos una organización por la cual queremos 'sudar', y luego reunimos nuestras donaciones al final del período” dijo Collins.
Akhri Waxyaabo Dheeraad ah
Ay u badan tahay in ay guuleystaan Linus Pauling, Dugsiga Sare ee Washington, Fasalka 2017ka 1917/1962-kii Linus Pauling wuxuu beddelay sayniska, isaga oo helay qiyaasta ‘quantum’ chemistry-g, malakuyuulada ‘molecular’ biology-ga, malakuyuulada ‘molecular’ hidaha, aragtida isku xirka kiimikada ‘valence bond theory’ iyo qiyaasta awooda atamka ‘electronegativity’. Laakiin dabeecad aan caadi ahayn ayaa ka joojisay in uu qaato shahaadadiisa dugsiga sare ee 1917, markii uu awoodi waayey in uu qaato laba fasal oo ahaa taariikhda Maraykan ah oo la iskaga baahnaa isla hal teeram. Wuxuu si fudud ugu gudbay kulliyadda meesha hada loo yaqaan Oregon State. 1962-kii, sideed sano ayuu ku helay Abaalmarinta Nobel Prize ee Chemistry-ga isla sanadkaasi waxaa la siiyay abaalmarinta nabada ee Nobel Peace Prize, Pauling wuxuu helay shahaado sharafeed, taasi oo ah mida kaliya ee uu weligeed bixiyay Dugsiga Sare ee Washington.
3
Wararka iyo qoraalada
• Tiel Jackson oo ah shaqaalaha PPS waxaa loo magacaabay inuu ka mid noqdo Golaha Tallobixinta Dadweynaha Lugeeya ee Portland • Kooxda Dastuurka ee Dugsiga Grant, waxa ay ku guuleysteen inay socdaal ku tagaan Caasimada Wadanka Washngton D.C. • Abbaalmarinta qofku inta uu noolyahay ayaa la guddoonsiiyey Kenya Marquez oo La-Taliye ka ha dugsiga Lent • Marshall Haskins oo ah Madaxa Horyaalka Ciyaaraha Iskuulada Portland(PIL) waxa la guddoonsiiyey abbaalmarinta qofku inta uu nool yahay • Garsooraha Degaanka Multnomah, ardayda MLK Jr. oo bilaabay mashruuca farshaxanka maxkamadda oo cusub
4