000 oo carruur da'doodu ka yar tahay 5 sano oo ay hayso nafaqo xumo ba'an ayaa u baahan sahay xumo aad u baʼan oo ay u
UNITED NATIONS
NATIONS UNIES
Office of the United Nations Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia
HADAL XIRIIRIYAHA HAWLAHA BANI’AADAMNIMADA EE SOOMAALIYA, PHILIPPE LAZZARINI U DIREY WARBAAHINTA
Waxqabad joogto ah ayaa muhiim u ah ka-hortegidda in baahida bin'aadamino ee Somalia ay ka sii darto (Muqdisho, 2 Sebtembar 2014): Waxaa aad ii welwelgelinaya xaaladda haqab-beelka cuntada ee Soomaaliya oo aad u sii xumaaneysa. Waxyaabaha lagu ogaadey daraasad cusub oo ay sameeyeen Waaxda Lafagurista Haqab-beelka Cuntada iyo Nafaqada / Food Security and Nutrition Analysis Unit iyo Shabakadda Hannaanka Ka Sii Digista Macaluusha / Famine Early Warning Systems Network ayaa muujinaya hoos-u-dhac weyn, taas oo ay sababeen arrimaha ba’an ee is-biirsadey ee kala ah, abaarta, qiimaha cuntada ee kor u kacaya iyo colaadda. In ka badan 1 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa maanta ay soo wajahdey haqab-beel la’aan cunto, taas oo boqolkiiba labaatan ka badan 857,000 oo ay ahayd lix bilood ka hor. Tani waxaa ay wadarta tirada dadka u baahan gargaar bani’aadamnimo ama taageero nololeed ka dhigeysaa in ka badan 3 milyan oo qof. Ka dib markii si tartiib ah loo soo dhisayey maciishadda dadka tan iyo macaluushii 2011kii ee sababtey in ay ku dhintaan rubuc milyan qof oo dheeri ka ah intii caadi ahaan dhimman jirtey, ayaa guulihii jilicsanaa ee la xaqiijiyey ay hadda meesha ka baxayaan waxaana mar kale bilaabatey in ay kor u kacaan heerarka nafaqoxumada. Awoodaha ay dadku kula qabsan karaan dhibaatada ayaa aad looga tan-badiyey waxaana qoysaska nugul ay halis ugu jiraan in lagu sii riixo saboolnimo. Ilaa 218,000 oo carruur da’doodu ka yar tahay 5 sano oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an ayaa u baahan sahay nafaqo oo degdeg ah, biyo nadiif ah, iyo nadaafad wanaagsan; 43,800 oo carruur ah ayaa ay haysaa nafaqoxumo aad u ba’an oo ay u dhimanayaan haddii aaney helin daawooyin caafimaad iyo cunto-ku-daaweyn. Si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinkan soo if-baxaya, iyaga oo isticmaalaayaha lacagta ay ka heleen deeqbixiyeyaasha, ayaa hay'adaha gargaarku waxaa ay awoodeen in ay kor u qaadaan dadaallo ay degdeg wax uga qabanayaan baahiyaha ugu culus ee guud ahaan dalka. Hay’adaha gargaarka ayaa bilaabey duulimaadyo diyaarado qaadaya xamuulka gargaarka oo geynaya degaannada aan lahayn waddooyin loo mari karo. Haseyeeshee, macquul ma ahan in diyaaradahaas ay dadka gaarsiin karaan mugga gargaarka bani’aadamnimada ee loo baahan yahay. In la helo waddooyin ay maraan sahayda bana’aamnimada iyo ganacsiga iyo sidoo kale in la helo lacag dheeri ah ayaa loo baahan yahay si si joogto ah ay dadka wax u gaaraan. Dadaallo xooggan ayaa degdeg loogu baahan yahay si loo ba’aadiyo nafo iyo si looga hor tago in dadku ay si aan hakad lahayn dhibaatada ugu hoobtaan. Iyadoo lagu jiro afartii bilood ee ugu dambeyeey sanadka, ayaa in ka badan nus-bilyan oo doolarka Mareykan ah weli loogu baahan yahay hawlaha naf-badbaadinta. Tallaabooyin xooggan ayaa loo baahan doonaa si loo hubiyo in aanan halis gelinin fursad ay dadka Soomaaliya ay ku helaan ammaan, degganaansho iyo barwaaqo ka badan tan hadda. For further information on the assessment results please contact: Frank Nyakairu, Communications Officer, UN Food and Agriculture Organization, (
[email protected] / +254 786 399311). To reach the HC in Somalia, please contact: Cecilia Attefors, Communications Officer, UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs, (
[email protected] / +252 618960006). To access the FSNAU technical release, log onto www.fsnau.org